
Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Degmada Baladxaawo, Gobolka Gedo.
Kulankan oo diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta, nabadda, iyo wada-shaqeynta bulshada, waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinayay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda Jubaland, Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Guddoomiyaha Degmada Baladxaawo, iyo saraakiil ciidan.