
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle oo uu waheliyo Madaxa xasilinta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Cabdiwaaxid Xaaji ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya kulan kula qaatay Safiir kuxigeenka Safaarada Norway Mr, Geir Arne Schei iyo madaxa mashaariicda xasilinta iyo arimaha bini’aadinimada Marwo Svedberg,Kristina
Wasiirka ayaana masuuliiyinta ugu Warbixiyay Mashaariicda xasilinta ee Dowladda Norway ay ka taageerayso Dowladda Jubbaland uguna Mahadceliyay sida wanaagsan ee ay mashaariicda xasilinta u taageerayeen iyo sida hufan ay ugu qayb qaateen
Masuuliyiinta Safaaradda Norwey ayaa dhankooda Dowladda Jubbaland oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Wakiil ugu tahay ku amaanay sida hufan ee u maareesay Mashaariicda xasilinta iyo howlaha kale ee Safaaradda ka wada deegaanada Dowladda Jubbaland.