
Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Dowlada Jubbaland Sareeye Gaas Yusuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa ugu hambalyeeyay 65-guuradii kasoo wareegatay aas-aaskii ciidanka xooga dalka soomaliyeed.
”’Munaasabadda 65 guuradii ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee 12-ka April awgeed, waxaan hambalyo u dirayaa ciidankeenna geesiyaasha ah oo ay ugu horreeyaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda, dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidanka iyo xaasaskooda iyo carruurtooda.
Ciidanka Xooggu waa astaan qarannimo iyo midnimo, waxay u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay muwaadiniinteennu nabad iyo xasillooni ugu seexan lahaayeen, ugana difaaci lahaayeen cadow kasta oo halis ku ah jiritaankeenna.
Waxaan idinku dhiri galinayaa in aad sii wadaan ciribtirka kooxda arxanka daran ee dhibaatada ku ah midnimada iyo wadajirka shacabka soomaliyeed.
Hambalyo mar labaad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed”