Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh oo ku baaqey heshiis wada jir ah

41
Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Ciwaan oga dhigay: AASAASKA BADBAADINTA DOWLADNIMADA SEDEXAAD.
“Soomaaliyada hada jirtaa waxa deeqa Heshiis siyaasadeed, Waxaana guul lagu gaara Ilaalinta heshiisyada iyo wadajirka, taa oo Laf dhabarna u ah midnimada Umada Soomaaliyeed, Cadowgana looga hortegi karaa Argagixisadana lagu cirib tiri karaa Jamhuuriyada sedexaadna lagu badbaadin karaa.
Dhaxalka loo joojin maayo laga dhaxlo waa ta maanta ina wada haysata, kala qoqob, Cadow is biirsaday iyo jahawareer Siyaasadeed.
Hadaba Waxaan rajaynayaa in Gogosha uu Madaxweynahu fidiyey, noqoto mid daacad laga yahay, laguna saxo qaladaadka xukuumada maanta jirta gashay, sida ku tagrifalka awoodeed, isla xisaabtan la aan, aqoon daro, waayo aragnimo la’aan iyo is dhexyaaca Siyaadada Arimaha Dibada.
Enough is enough Madaxweynaha waxaan u rajeynayaa in uu hada garwaaqsaday sida ay wax yihiin diyaarna u yahay in wax lala saxo, Soomaaliya Soomaali baa leh.”