
Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubbaland ayaa Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ku qabatay kulan seddex biloodle ah, oo diiradda lagu saaray Nabadaynta iyo Xallinta khilaafaadka la xiriira amniga.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay golayaasha bulshada ee nabadaynta, laamaha amniga, gaar ahaan Booliska, iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga hadlay sidii loo xallin lahaa khilaafaadka uguna dhiirrigelin lahaa bulshada inay door muhiim ah ka qaadato nabadaynta iyo horumarinta amniga deegaanada xorta ah, taasoo u horseedi karta bulsho horumarsan oo nabdoon.