Kulanka Afur Wadareedka Sanadlaha ah ee Howl-wadeenada Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubbaland

39
Kulanka Afur Wadareedka Sanadlaha ah ee Howl-wadeenada Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubbaland ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Tamarta.
Munaasabada oo aheeyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaar kamid ah Wasiirada Jubbaland, Xildhibaano heer Fadaraal iyo heer Dowlad Goboleed, Gudoomiyaha Degmada Kismaayo, Gudoomiyaha Daladda Bulshada Rayidka ah, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha, Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Jubada Hoose, Odayaasha Dhaqanka, ururada Dhalinyada, Haweenka, Howl-wadeenada kala duwan ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubbaland iyo Marti Sharaf Kale.
Ujeedada Afur Wadareedkaan ayaa ah mid lagu hormarinaayo isdhex-galka Masuuliyiinta iyo Bulshada reer Jubbaland si ay iskaga xog-wareystaan Dadaalada hormarineed ee Dowladda Jubbaland ay ugu jirto Amniga iyo hirgalinta Mashaariicyada kala duwan ee Wax-tarka u leh Bulshada reer Jubbaland.