
Shir looga hadlayay isku xirka hay’adaha Amniga iyo Bulshada ayaa Maanta lagu qabtay xarunta Taliska Qaybta Booliska ee Gobolka Jubbada Hoose.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa Nabadgelyada Magaalada Kismaayo, waxqabadka hay’adaha Amniga ee Toddobaadyadii la soo dhaafay, iyo doorka Bulshada kaga aadan sugidda Amniga, gaar ahaan xilliga bisha barakaysan ee Ramadaan.
Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada Kismaayo, saraakiisha laamaha amniga, iyo Guddoomiyeyaasha xaafadaha Magaalada.
Intii uu socday shirka, waxaa la isla qaatay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya bulshada iyo hay’adaha Amniga, iyadoo la adkeeyay wada shaqeynta lagama maarmaanka u ah xasilinta Deegaanka.
Gabagabadii, waxaa bulshada Kismaayo lagu boorriyay in ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada Ammaanka, si looga hortago falalka argagixisada ee khatarta ku ah deegaanka, laguna xaqiijiyo nabad waarta oo ku dhisan wadajir iyo midnimo.