Agaasimaha wasaaradda Cadaaladda Jubbaland oo kullan la qaatay bahda nootayooyinka

20

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Cabdullahi Cabdiqaadir Aaden Qaanuni, ayaa maanta kulan is-xogwaraysi ah la qaatay bahda nootayooyinka Jubbaland.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray shaqada ay nootayooyinku u hayaan bulshada, caqabadihii haystay, iyo dhaqan-gelinta khidmada cusub ee adeegyada nootayooyinka Jubbaland.

Khidmadan, oo ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, ayaa si rasmi ah u dhaqan-galaysa laga bilaabo maanta, iyadoo ay si siman u qaadan doonaan dhammaan bahda nootayooyinka si loo fududeeyo adeegyada ay bulshada u hayaan loona xaqiijiyo hufnaanta iyo caddaaladda.

Intii uu socday kulanka, Agaasime Qaanuni ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in nootayooyinku u hoggaansamaan nidaamka cusub ee khidmada, si loo hubiyo in adeegyada sharciyeed ee ay bixiyaan ay u noqdaan kuwo la isku halleyn karo. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyey in ay la shaqeeyaan Wasaaradda si loo horumariyo tayada adeegyada loona xalliyo caqabadaha ay la kulmaan.