
Wasaaradda Cadaalada iyo arimaha Dastuurka Dowladda Jubbaland ayaa qabatay shirka hoggaanka bahda cadaalada dowlada jubbaland oo bishiiba mar la qabto kaasi oo looga hadlo caqabadaha jira ee ku aadan dhanka cadaalada sidii wax looga qaban lahaa iyo waxyaabihii u qabsoomay.
Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda cadaalada jubbaland ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland, Gudoomiyaha Maxkamada sare, Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida, Xeer ilaaliyaasha Jubbaland, taliyaha qaybta danbi baarista Booliska, taliyaha qaybta iyo asluubta Booliska jubbaland.
Kadib marka uu soo idlaaday Shirka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda iyo arimaha Dastuurka Jubbaland Cabdullaahi Cabdiqaadir aadan (Qaanuuni) oo sharxaadna ka bixiyay waxa ka so baxay shirka iyo Muhiimadiisa.
Wasaarada Cadaladda iyo arimaha Dastuurka Dowladda Jubblanad ayaa ku howlan dardargalinta howlaha Cadaaladda iyo Hormarinta Bahda Cadaaladda si shacabka reer Jubbaland ay u helaan Adeeg Cadaaladeed oo hufan.