Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Gaashaanle Sare Sadik Mohamud Dhogor oo dhiiri galin ugu tagay ciidan daraawiishta furimaha jooga

24

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Gaashaanle Sare Sadik Mohamud Dhogor, oo ay weheliyaan saraakiil kale, ayaa booqasho dhiirrigelin ah ku tagay ciidamada difaaca Jubbaland ee ku sugan deegaanka Baar-Sanguuni, waqooyiga magaalada Kismaayo.

Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray dhiirrigelinta iyo bogaadinta geesiyaasha Jubbaland ee nafhurka ku jira, iyagoo naftooda u huraya difaaca bulshada ka dhanka ah Khawaarijta. Taliyaha ayaa uga mahadceliyey dedaalkooda iyo sida ay u adkeeyeen nabadgelyada gobolka, booqashaduna waxay ku soo beegantay xilli ay ka harsan yihiin Wakhti kooban bisha barakaysan ee Ramadaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale ciidanka gaarsiiyay agab muhiim ah oo la xiriira difaaca iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Isagoo kula dardaarmay askarta iyo saraakiisha inay sii xoojiyaan sugidda nabadgelyada guud, maadaama la galayo xilli cibaado oo muhiim ah. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in bisha Ramadaan Khawaarijtu ay fuliyaan weerarro dhagareed oo ay bulshada Soomaaliyeed ku dhibaateeyaan, loona baahan yahay feejignaan dheeraad ah.