
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Jubbaland ayaa maanta u fadhisay dhagaysiga kiiska ay eedaysanayal ka yihiin Habane Huure Cabdi, Maxamed Deerow Cabdi, Iimaam Xasan Maxamed, Maxamed Aadan Qooshow, iyo Maxamed Cabdullaahi Axmed, oo dhamaantood ka tirsan Ciidamada Jubbaland, gaar ahaan Guutada ka howlgasha Deegaanka Cabdalla Biroolle.
Shanta eedeysane ayaa loo haysta kiis dil ah oo loo gaysatay marxuum Shomow muumin Iiman.
Fadhiga Maxkamada waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamada, Labada Kuxigeen, Xeer-ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland, ehelada eedeysanayaasha iyo ehelada marxuumka.
Guddoomiyaha Maxkamada, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud Ibraahim, ayaa furay fadhiga, isagoo faahfaahin ka bixiyay kiiska dhanka ah shanta eedaysane.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamada, Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, ayaa akhriyay kiiska dilka iyo sida uu u dhacay.
Guddoomiyaha ayaa weydiiyay eedeysanayaasha wax ay isga difaacayaan ay ka eedeymaha lagu soo oogay.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Maxkamada ayaa soo xiray fadhiga, isagoo sheegay in fadhiga xiga ee Maxkamada lagu sii wadayo dhagaysiga kiiska dilka ee eedeysanayaal ka tirsan Ciidamada Jubbaland.