
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, oo ay wehliyaan Wasiirada Kalluumeysiga iyo Howlaha Guud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhagax dhigay xarun caafimaad Deegaanka Qam-Qaam oo dhaca Waqooyiga Magaalada Kismaayo, Xaruntaan cusub ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddesho baahiyaha caafimaad ee ka jira Deegaanka Qaam-qaam iyo nawaaxigeeda.
Bulshada Deegaanka Qam-Qaam iyo tuulooyinka hoos yimaada ayaa muddo dheer ku taamayay in loo hirgeliyo adeeg caafimaad oo waxtar leh, taas oo hadda Hirgalinteeda ay ka shaqeyneyso Wasaaradda Caafimaadka.
Guddoomiyaha Deegaanka Qam-Qaam, Cali Faarax Ismaaciil, oo madasha ka hadlay, ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, isagoo sheegay inay tahay mid bulshada u horseedi doonta horumar Caafimaad oo muuqda.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Jubbaland, Cabdiwahaab Axmed Ismaaciil, ayaa dhankiisa ku amaanay Wasaaradda Caafimaadka dadaalka ay ku bixinayso horumarinta adeegyada caafimaadka ee Jubbaland, Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha dowladda si loo gaaro ujeeddooyinka horumarineed ee bulshada.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, Ismaaciil Axmed Garas, ayaa ballan qaaday inay Wasaaraddu sii xoojin doonto dadaallada ku aaddan hirgelinta xarumaha caafimaadka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee bulshada reer Jubbaland.




