Maamulka Gobolka Banaadir oo xiray Xarumo kale

536

Howlgal oo uu horkacayay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay waxaa lagu xiray xarumo kuyaalla degmooyinka Hodan & Wadajir, kuwaas oo dhalinyaro farabadan ay ku caweeynayeen.

Xarumahaan oo muddo sanado ah furan ayaa kala ahaa Bosh oo kutaalla degmada Hodan iyo Saba oo kutaalla degmada Wadajir, waxaana dhalinyaro isugu jira rag iyo Dumar ay ku cabi jireen shiishada.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in Xarunta Saba laga helay Saddex Qoray oo AK47 ah iyo Tuutaha Ciidanka, kuna wareejiyeen taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi oo howlgalka qeyb ka ahaa.

Wuxuu sheegay in xarumaha qaar ay xireen ay u diiwaan gashnaayeen Maamulka Gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale sheegay in marnaba aysan aqbali doonin inay Magaalada Muqdisho kasii furnaadaan Xarumo lagu isticmaalayo waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena lagu sameeynayo waxyaabo anshax xumo ah.

Habeen ka hor ayay aheyd markii Maamulka Gobolka Banaadir uu Albaabada isugu laabay Shan Xarumood oo lagu isticmaali jiray waxyaabaha Maanka dooriya, kuwaas oo ku yaallay Xeebta liido ee degmada Cabdul Casiis ee Gobolkan Banaadir.