
Madaxweynaha Jubaland, Mudane Axmed Sheekh Maxamed Islaan, ayaa maanta magaalada Kismaayo ka daah-furay Shirweynaha iyo Bandhigga Maalgashiga Dhaqaalaha Buluuga ah.
Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno muhiim ah oo ka tirsan Dowladda Jubaland, hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwa maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.
Shirku waxa uu diiradda saaray fursadaha maalgashi ee ku saabsan kheyraadka badda iyo dhaqaalaha buluuga ah ee Jubaland.
Ujeeddada shirka ayaa ah in la xoojiyo isticmaalka kheyraadka badda si loo kobciyo dhaqaalaha gobolka, iyadoo la soo bandhigayo muhiimadda maalgashiga badda iyo sida looga faa’iidaysan karo.
Maalgashiga Dhaqaalaha Buluuga ah ayaa ka kooban dhowr arrimood oo muhiim ah, sida kalluumeysiga, tamarta badda, dalxiiska xeebaha, iyo ilaalinta deegaanka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimada iskaashiga dowladda, hay’adaha iyo ganacsatada si loo horumariyo dhaqaalaha buluuga ah iyo ilaalinta deegaanka xeebaha Jubaland.





Beeti Imaan Omar, Fethi Ali Sherif and 437 others