Wasiirka Maaliya Jubaland oo dhiiri galin usameeyay ciidanka daraawiishta Jubbaland ee sugan Dhoobley

53

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal), oo howlo shaqo u jooga degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose, ayaa dhiirigelin u sameeyay dhammaan ciidamada kala duwan ee halyeeyada ee dowladda Jubaland ee ku sugan degmada iyo deegaanada hoos yimaada.

Wasiirka ayaa kulamo muhiim ah la qaatay saraakiisha ciidamada, isagoo kala hadlay adkeynta amniga guud ee Jubaland, gaar ahaan amniga xuduuda dheer ee aynu la wadaagno dowladda Kenya.

Wasiir Axmed ayaa dhammaan talisyada ciidamada Daraawiishta, Nabadsugidda, Booliiska, kuwa Xoogga Dalka, iyo Taliska Ciidanka AUSSOM ee ku sugan degmadaasi gaarsiiyay deeqa xoolaha oo Ciidanka uu ugu talgalay taas oo ahayd dhiirigelin iyo bogaadin ku aaddan sida mar walba ay uga shaqeeyaan xaqiijinta amniga guud.

situs gacor hari ini