Howlgal ay fuliyeen Ciidamada Geesiyada Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo lagu khaarijiyay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

52

Ciidanka Dowalada Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, Guutada 11-aad ee Qeybta 43-aad ayaa waxay howgal isugu jira burburin iyo weerar ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen dhagar-qabayaasha argigixisada.

Howgallada ayaa laga fuliyay degaannada Muuse Xaaji, Malaayleey, Bandar-jadiid, iyo Aaraare, oo dhammantood hoos taga degmada Jamaane ee gobolka Jubada Hoose.

Intii uu socday howgalka, ciidamadu waxay duqeeyeen fariisimaha cadowga ee ku sugnaa goobahaas.

Howlgaladaan ayaa daba socday weerarro ka dhan ah kooxaha argigixisada oo ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland. Howlgalka ayaa kusoo dhammaaday guullo, iyadoo khawaarijta looga dilay xubno sare, oo ay ka mid yihiin horjoogayaal.

Ugu dambeyn, saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in goob kasta oo ay galaan ay si buuxda u daba tegi doonaan si aanay u dhibaateyn shacabka Soomaaliyeed.

situs gacor hari ini