Dhageyso:Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbaarshada Jubbaland oo faahfaahin ka bixiyay qiima dhimista lagu sameeyay waxbarashada iskuulaadka

28

Wasaaradda Waxbarashada dowladda Jubbaland ayaa isbeddel ku samaysay qiimaha lacagta ee laga qaado ardayda wax ka barata deegaanka Jubbaland.

Qiima dhismista lacagta laga qaado ardayda ayaa saamayn ku yeelanaysa saddexda heer ee waxbarashada, sida dugsiga sare, dugsiga dhexe, iyo ardayda dhigata dugsiga hoose.

Ardayga dhigta dugsiga sare ayaa horey u bixin jiray $18, dugsiga dhexe $15, halka dugsiga hoose uu ahaa $12.

Hadda, dugsiga sare waxaa laga dhigay $12, dugsiga dhexe $8, halka dugsiga hoose laga dhigay $6.

Tallaabadan ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada dowladda Jubbaland ayaa hoos u dhigaysa dhaqaalaha badan ee waalidiinta ay waxbarashada ku bixin jireen gaar ahaan kuwa danta yar, iyadoo sidoo kale fursad u siinaysa arday badan oo horey u awoodi waayay inay bixiyaan lacagta waxbarashada, si ay u helaan fursad ay ku tagaan goobaha waxbarashada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland, Axmed Faarah Cali Aways, ayaa sheegay in wasaaradda ay shaqaalaysiisay in ka badan 850 macallin oo iskuullada wax ka dhigaya, si culayska dhaqaale looga yareeyo waalidiinta ardayda ka bixiya lacagaha waxbarashada.