Wasaaradda Ganacsiga Jubbaland oo ka hadashay sicir bararka raashinka

987

Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ayaa manta ka hadashay sicir barar xoogan eek u imaaday qiimaha Raashinka iyo waxyaabaha Qutul daruuriga ah ee qiimahooda uu kor u kacay.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Ayaanle Xussien Mohamed oo shir Jaraa’iid ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa ka nacsatada ugu baaqay in badeecooyinka qiimahooda hoos loo dhigo.

Agaasimaha ayaa sheegay in ganacsatada ay sarre u qaadeen badeecadii horay u taalay gudaha magaalada Kismaayo balse badeecooyinkii jidka ku soo jiray iyo kuwii la soo iibiyey inta dagaalka Ukrien iyo Ruush-ka Socday aysan wali dalka soo gaadhin.

Wasaaradda ayuu sheegay in ay wax ka qabanayso arimaha sicir bararka,kulamana ay la qaadanayso ganacsatada dibada wax ka keenta.