Ku simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ka tacsiyeeyay qaraxii Balad-xaawo

49
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa Tacsi u diray Askartii iyo dadkii kale ee ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Dagmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa alle uga baryay intii ku geeriyootay falkaasi in uu unaxariisto intii ku dhaawacantayna uu alle Caafimaad deg deg ah siiyo.
Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in Askarta Soomaaliyeed ay leeyihiin hal cadow oo ah Khawaarijta sidaas daraadeed ay muhiim tahay in hal meel looga soo wada jeesto.
Ugu dambeyn Madaxweyne kuxigeenka ayaa umada Soomaaliyeed gaar ahaan umada reer Jubbaland ugu baaqay in aan lakala dhantaalin oo ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan cadowga usoo dhigtay naftooda iyo cirdigooda.