Shirweyne looga hadlayo ka hortagga xaalufinta deegaanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka ee Jubbaland oo kismayo lagu qabtay.

33
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda ee Dowladda Jubbaland ayaa qabatay shirweyne looga hadlayay ka hortagga xaalufinta deegaanka.
Shirkan, oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee wasaaradda, ayaa si gaar ah loogu lafaguray doorka odayaasha dhaqanka ee ilaalinta deegaanka, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin iyo qaybaha bulshada.
Ka qaybgalayaasha waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga, xildhibaanno, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Maamulka Degmada Kismaayo, Odayaasha dhaqanka, iyo ururo kala duwan oo ka shaqeeya ilaalinta deegaanka.
Intii uu socday shirku, waxaa lagu soo bandhigay xog ku saabsan goobaha ay ka jirto xaalufinta dhirta, waxaana laga arrinsaday sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada deegaanka. Sidoo kale, kulanka ayaa xooga lagu saaray sidii loo heli lahaa xal waara oo lagu joojin karo xaalufinta, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha, ururada, iyo bulshada rayidka ah.
Shirkan, oo qayb ka ah kulamada isdaba-joogga ah ee lagu badbaadinayo deegaanka Jubbaland, ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo kor u qaadi kara wacyiga iyo dadaallada lagu xakameynayo xaalufinta dhirta iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah