Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo Wareysi Gaar ah Siiyay Radio Kismaayo ayaa isaga oo nooga warbixinayay Xaalada Gobolka Gedo iyo Faragalinta Dowlada Fadaraalku ay ku Heyso Gobolka
Wuxuu eedeyn kulul usoo jeediyay dowlada faderaalka wuxuu markaa sheegay in rabitaan shaqsiyadeed ay doonayeen inay ka hirgaliyaan wafdigii dhawaan ay dowladu usoo dirtay gobalka gedo ee uu hogaaminayay wasiirka amniga dowlada faderaalka Iyaga oo markaa la laabtay waji gabax maadaama wax garadkii iyo shacabka guud ee gobalka ka biya diideen wixii loosoo dhiibay .
Dhinaca kale Gudoomiye Al-Qaadi oo ka waramayay xayiraada dhinaca duulimaadyada ee ay xassan sheikh iyo kooxdiisu kusoo rogeen Gedo ayaa sheegay in wali ay taagan tahay xayiraadaasi ujeedkana uu ahaa sidii loo curyaamin lahaa dhaq dhaqaaqa shacabka reer Jubbaland hawadii soo celinteeda waqtiga badanna lagu bixiyay ay maanta mareyso in lagu dhibaateeyo shacabka soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-Qaadi ayaa ugu danbayn waxaa uu sheegay inay ka maamul ahaan ay wadaan shirwayne shacabka Gedo ay oga arin sanayaan masiirkooda shirkaasi oo uu horaan ugu dhawaaqay Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan.