Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada, kaasoo lagaga hadlay arrimaha amniga, qulqulatooyinka ay dowladda federaalka ka abuurtay deegaanada Jubaland oo ay kamid yihiin.
xayiraadaha duulimaadyada shacabka, siyaasaddeeynta mashaariicda horumarinta iyo gargaarka, abaabulka dagaalka iyo colaadaha ay dowladda federaalka ka hurinayso deegaanada Jubaland iyo qodobo kale.