Taliyaha daraawiishta Afmadow Mahad Islaam oo kullan ku saabsan dhinaca iskaashiga ciidamada la qaatey saraakiil Atmis ah.

48

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee Degmada Afmadow, Col Mahad Islaam, ayaa ku qaabilay xerada taliska Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Brigadier Seif Saalim Rashiid, Taliyaha Qaybta 2-aad ee ATMIS, oo booqasho ku yimid degmada Afmadow, ayaa kormeer ku tagay fariisimaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow.

Ujeedada saraakiishan ayaa ahayd xoojinta iyo sare u qaadida iskaashiga ciidamada ee Jubbaland iyo ATMIS.

Dhinacyadu waxay isla gorfeeyeen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen wadaagista xogaha sirdoon iyo sahan ee cadowga Khawaarijta ee gabalkoodu dhacay.

Brigadier Seif Saalim Rashiid ayaa ku ammaanay shaqada adag ee ay bulshada u hayaan saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee degmada Afmadow, kuwaasoo har iyo habeenba u taagan ilaalinta badqabka bulshada Jubbaland.

Wuxuuna tilmaamay inay sare u qaadi doonaan wada shaqaynta ka dhexeysa labada dhinac iyo ladagaalanka Khawaarijta.