Maxaa looga hadlay Kulanka Maamulka Luuq iyo Hay’adaha Samafalka

34

Maamulka Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo oo ka duulaya sidii loo xoojin lahaa u adeegista Bulshada ayaa maanta kulan is xogwaraysi ah waxa ay la qaateen dhamaan Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Degmada Luuq

Kulanka oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Degmada Luuq mudane Daahir Muxumed Nuur ayaa intii uu socday waxaa lagu lafaguray sidii hay’adaha samafalka ay kaalin buuxda uga qaadan lahaayeen caawinta Dadka Barakacayaasha ee ku nool deegaanada hoos yimaada degmada kuwaasi oo ubaahan gar gaar bini aadan nimo.