Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland oo Daahfuray Barnaamij Dib-u-eegis Dastuurka

40

Madaxweyne Ku Xigeenka labaad ee dowladda Jubbaland, Mudane Cabdulqadir Xaaji Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray barnaamij dib-u-eegis ah oo lagu sameynayo Dastuurka Jubbaland.

 

Munaasabadda oo ka dhacday hoolka Daawada ee magaalada Kismaayo, waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin kala duwan, xubno ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, iyo ururo bulshada rayidka ah.

 

Barnaamijka dib-u-eegista dastuurka, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caalamadda iyo Dastuurka dowladda Jubbaland, ayaa ahaa mid bulshada loogu qaybinayay dastuurka ku meel-gaarka ah si ay fikradahooda ugu biiriyaan.

 

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa sheegay in dib-u-eegista dastuurka ay muhiim u tahay horumarinta hufnaanta, cadaalada, iyo kobcinta dastuurka Jubbaland si uu ugu waafaqo xaaladaha cusub ee dalka.

 

Mudane Cabdulqadir Xaaji Maxamuud ayaa xusay in dadaalka dib-u-eegista dastuurka ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo maamulka wanaagsan iyo dhismaha dawladnimada Jubbaland. Waxa uu ku baaqay in la yeesho wadatashi ballaaran oo ay ka qayb qaataan dhammaan qaybaha bulshada, si dastuurka loo waafajiyo rabitaanka dadka shacabka ah ee reer Jubbaland.

“Dastuurka waa hage muhiim ah oo hagaya nidaamka dowladnimo iyo maamulka. Waxaan rajeynayaa in dib-u-eegista lagu sameyn doono si loo hubiyo in uu waafaqsanaan karo xaaladaha hadda jira,” ayuu yiri Madaxweyne Ku Xigeenka.