Wasaaraha ganacsiga iyo kaluumeysiga oo agab sports gaarsiiyay Raaskambooni

24

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga, qaar ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland, ayaa maalmahan howlo shaqo u joogay Raaskambooni. Waxayna agab loogu talagalay dhalinyarada ciyaarta kubadda cagta ku wareejiyeen Guddoomiyaha Ciyaaraha Deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose. Isla garoonka, ayaa lagu soo bandhigay ciyaar saaxiibtinimo oo lagu soo dhaweynayey masuuliyiinta.