Wefdiga uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS ee jooga Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa ku hungoobay qorshaha ay Wateen kadib Markii ay qorshahaasi iska diideen Odoyaasha Dhaqanka rasmiga ah ee Dagmada.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullahi Sheikh Ismaaciil Fartaag ayaa Garbahaareey la tagay qorshe siyaasadeed qaldan oo ah hurinta Colaado u dheexeeya Dadka walaalaha ah ee Deeganka wada daga iyo duminta Nidaamka Dowliga ah ee ka dhisan Jubbaland kaas oo ay wada dhisteen Shacabka Wada dagan deegaanada Jubbaland.
Odoyaasha Dhaqanka Dagmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa gabi ahaanba iska diiday isku day walbo oo la rabo in lagu burburiyo Dowladda Jubbaland iyo in la iska horkeeno Beelaha Walaalaha ah ee wada dagan deegaanada Jubbaland.
Xili shalay ay rabeen Odoyaasha Dhaqanka Dagmada Garbahaareey in ay la hadlaan Warbaahinta si ay u cadeeyaan Mow-qifkooda ku aadan Qorshaha gurac ee ay rabaan Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa in ay ka hirgaliyaan Gobolka Gedo iyo in aysan diyaar u ahayn burburinta Dowlada Jubaland ayaa waxaa awood ciidan u adeegsaday Wasiirka Amniga Gudaha XFS Tani ayaa ka dhigan in Wasiirka uu ku fashilmay qorshaha Xasan Sheikh Maxamuud uu usoo dhiibay si loogu dhibaateeyo Gobal aysan ka jirin wax Amni daro ah.
Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa awoodooda iskugu geynaya sida ay iskaga horkeeni lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee wada dagan deegaanada Nabada ah ee Jubbaland taas oo keeni karta in uu faraha ka baxo amaanka ay ku nool yihiin Shacabka Jubaland iyo in uu daato dhiig laga baaqsan karo daadintiisa.