Saaka Waxaa dagan Xaalada Deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada hoose kadib markii halkaas shalay uu ka dhacay Dagaal udhexeeyay Maleyshiyaad uu shaarka Dowlada usoo xiray eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Jubbaland.
Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Dowlada Jubaland oo aan la xariirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in xaalada Saaka ay tahay mid dagan oo wax dhibaato ah aysan ka jirin deegaanka.
Shacabka dagan deegaanka Raaskambooni ayaa aad usoo dhaweeyay soo noqoshada Ciidamada Dowlada Jubaland ee deegaanka Raaskambooni ayagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in la laga dulqaado maleyshiyaadka maalmihii lasoo dhaafay dhibka badan ku hayay shacabka nabada jecel ee Raaskambooni.
Maleyshiyaadka uu eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa diyaaradaha ku geeyeen deegaanka nabada ahaa ayaa inta ay joogeen Shacabka ugeysanayay dhac iyo boob lkn Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland ayaa arintaas ka hortagay soona afjaray Shalay galinkii dambe.