Ururka Dhalinyarada Gobolka Gedo oo Bogaadiyay Doorashada Dowlad Jubbaland, kuna Baaqay Xoojinta Wadajirka iyo Madaxbannaanida

85

Ururka Dhalinyarada Gobolka Gedo ayaa warsaxafeed ay soo saareen ku bogaadiyay doorashada Dowlad Jubbaland, oo si nabad ah ugu dhacday.
Ururku waxa uu si gaar ah u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay dowladda jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, isaga oo tilmaamay in doorashadu ay tahay mid muujineysa dimoqraadiyad iyo hoggaan hufan.

Dhanka kale, ururku waxa uu cambaareeyay faragalinta Dowladda Federaalka ee ka wado qeybo ka mid ah Jubbaland, taas oo ay ku tilmaameen mid lagu beegsanayo midnimada iyo wadjirka dadka reer Jubbaland.

Ururku waxa uu ku baaqay in la xoojiyo wadajirka iyo in la ilaaliyo madaxbannaanida iyo xuquuqda dadka Jubbaland lana joojiyo ciidanka lagu daabulay deeganada nabada ah ee jubbaland .