Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  kulan fogaan arag ah la yeeshay Wakiiladda Beesha Caalamka

85
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  kulan fogaan arag ah la yeeshay Wakiiladda Beesha Caalamka ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagaga hadlay arrimaha Doorashooyinka Baarlamanka iyo Madaxtooyada Jubaland, Xaalada guud ee Siyaasada dalka iyo kulamadii u danbeeyay ee shirka madasha wadatashiga Qaranka.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Danjirayaashaa Maryanka, ingiriiska, Sweden, Talyaaniga, Jarmalka, Midowga Yurub, sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, urur goboleedka IGAD iyo ATMIS.