Golaha Wakiilada Dowlada Jubbaland oo ansixiyay xeerka Boosliiska Jubbland 

80
Gollaha Wakiilada Dowlada Jubbaland oo yeeshay Kalfadhiga 5-aad fadhigiisa 9-aad ayaa ajandaha kulanka waxa uu ahaa ka doodista 3-aad iyo ansixinta Xeerka Booliska Jubaland kaas oo horay ay u horkeentay Xildhibaanada Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland.
Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa Shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubaland mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayadoo kooramka Xildhibaanada fadhiga joogay uu ahaa 60 Mudane.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Xildhibaanada ufaah-faahiyay ajandaha kulanka.
Intaas kadib Xildhibaanada ayaa ajandaha kulanka oo ahaa ka doodista iyo ansixinta xeerka Boosliiska Jubbland

aland ka yeeshay dood adag ayadoo su’aalo ay ka weydiiyeen mudanayaasha Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland mudane Aaden Axmed Xaaji.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland mudane Aaden Axmed Xaaji Ayaa ka jawaabay dhamaan su’aalaha ay qabeen mudanayaasha Gollaha Wakiilada.
Kadib Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa cod u qaaday Xeerka Booliiska Jubaland si Xildhibanada ay u ansixiyaan gacan taag kadib Gudoomiyaha ayaa warbaahinta Jubbaland la wadaagay in uu ansax yahay Xeerka Booliska Jubaland.