Ciidanka Daraawiishta dowladda Jubbaland ayaa saaka khaarijiyay horjooge sare oo ka tirsan khawaarijta, laguna magacaabi jiray Warsame Barre Sugow.
Horjoogahaan ayaa Waxaa lagu dilay meelo u dhow deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubada Hoose, sida ay Radio Kismaayo u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka howlgalka hogaaminaya.
Ciidanka halyeeyada ee Jubbaland ayaa helay xog ku saabsan maleeshiyaad ka tirsan kooxda khawaarijta oo qorsheynayay in ay weerar ku qaadaan bar-koontarool oo ay ciidanku halkaas ku lahaayeen balse maleeshiyaadkii waxa la gaarsiiyay jab xoogan .
Horjoogaha la khaarijiyay ayaa watay maleeshiyaad doonayay inay weerarka fuliyan, laakiin isaga iyo todobo xubnood oo kale ayaa halkaas lagu dilay.
Sidoo kale, xubno kale oo ka tirsan maleeshiyaadka ayaa dhaawac soo gaaray, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.
Geesiyaasha Jubbaland ayaa cashiro lama ilaawaan ah u dhigaya khawaarijta ku dhuumaaleysaneysa dhulka Howdka ee Jubada Hoose.