Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka Dowlada Jubbaland oo soo xiray tababar ku saabsan wada hadalka aan xanafta

147
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka Dowlada Jubbaland mudane Cabdiwali Xuseen Jaamac ayaa maanta magaalada Kismaayo kusoo xiray tababar ku saabsan wada hadalka aan xanafta lahayn, oo loo qabtay qaar ka mid ah Ururada Bulshada rayidka ah ee degmada Kismaayo iyo bahda Cadaaladda ee Jubbaland.
Tababarkan oo socday muddo saddex cisho ah, ayaa waxaa ka faa’iideystay qaybaha kala duwan ee Ururada bulshada rayidka ah ee Dowladda Jubbaland iyo xubno ka socday bahda Cadaaladda Jubbaland iyada oo ujeedka tababarka uu ahaa in la baro xirfadaha wadahadalka nabdoon si loo xoojiyo habka ay ugu adeegan bulshada.