Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland oo kulan la qaatay gudigga nabadeynta shaqaaqada.

90

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la qaatay gudigga nabadeynta shaqaaqada kasoo cusboonaatay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Gudigan oo ka kooban xubno kamida Golaha Wasiirada Dowladda Jubbaland iyo mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa ka shaqeyn doona sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqada soo noq-noqotay ee ka taagan degmada Luuq ee gobolka Gedo.