Booliiska Galmudug oo xabsiga u taxaabay gabar aflegaaddo ka geysatay baraha bulshada

103

-Booliiska Galmudug ayaa xabsiga u dhaadhiciyay Fardowso Cabdi Xuseen oo muuqaal ay baraha bulshada soo dhigtay ku weerartay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabadhan oo ku sugan Koofurta Gaalkacyo ayaa aad ah u dhaleecaysay xarigga loo geestay dhowaan wiilal iyo gabdho maalmihii lasoo dhaafay loo xiray faafinta dhaqan xumo iyo hadallo kicin bulsho ah oo ay barta Tiktok-ga isku dhaafsadeen.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha sharciga dalka iyo muwaaddiniinta Soomaaliyeed wuxuuna markasta qeyb ka yahay horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Sidaas darteed waxaan bulshadeenna sharafta badan laga codsanayaa in ay ilaaliyaan sharafkooda kana dheeraadaan wax kasta oo keeni kara anshax xumada, qabyaaladda, kicinta dadweynaha IWM.

Bulshada reer  Galmudug waxaan ka codsaneynaa in ay  la shaqeeeyaan Taliska Ciidanka Boliska Galmudug ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed”.