Madaxweyne Ahmed Mohamed Islaam oo Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Dib-u-dhiska Buundooyinka Gedo.

92

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Dib-u-dhiska Buundooyinka gobolka Gedo.

Guddigan oo ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka ayaa ka shaqaynaya sidii isku tashi bulsho loogu bilaabi lahaa howlaha dib loogu dhisayo Buundooyinka gobolka ee ku burburay roobabkii u danbeeyay ee ku dhuftay inta badan dalka.

Madaxweynaha ayaa guddiga ka dhagaystay dadaalka ay wadaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee la xiriira sidii loogu istaagi lahaa dhismaha Buundooyinkan muhiimka u ah ganacsiga iyo isku socodka bulshada.

Waxaa Madaxweynahu uu tilmaamay in marka lasoo dhameeyo ololaha hada socda khuburo loo saari doono qiimaynta shaqada iyo sida ugu macquulsan ee dib loogu dhisi karo Buundooyinka burburay isla markana dadweynaha iyo Dowladda Jubaland oo iskaashanaya ay si wadajir ah u bilaabi doonan dhismaha Buundooyinka.