Si loo dardar galiyo howlaha baaxada leh ee dhismaha wadooyinka iyo xal ka gaarida ciriiriga wadooyinka qaar ee jira, ayaa maanta waxaa uu Cumar Cabdullahi Maxamed Faraweyne Gudoomiyaha degmada kismaayo ahna duqa magaalada ayaa xafiiskiisa degmada isugu yeeray qaar ka mid ah dadka dagan xaafada Faanoole, Farjano iyo Calanley.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa in la war galiyo dadka dagan xaafadaha Calanley, Faanoole iyo Farjano iney baneeyaan waddooyinka dhex mara xaafadaha, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo dhismaha wadooyinka .
Gudoomiyaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay waddooyinkaa u leeyihiin dad weynaha isagoona uga mahadceliyey bulshada Kismaayo sida ay maamulka degmada ula dhaqeeyaan islamarkaana ay ugu dhaga nugul yihiin awaarmiirtiisa.