Kullan isla xisaabtan ah oo ay soo qaban qaabisay Daladda Bulshada Rayidka Jubbaland ee JUNSA ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo.

116
Kulan isla xisaabtan ah oo ay soo qaban qaabisay Daladda Bulshada Rayidka Jubbaland ee JUNSA oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa qeybaha kala duwan ee Bulshadda waxa ay su’aalo ku weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Kheyraadka Tamarta Jubbaland mudane Axmed Xuseen Baraki (Zubeyr) iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland mudane Cabdullaahi Dubbad Shiil (Xadhuun).
Kulankan oo muhiim u ahaa bulshada ayaa sido kale waxaa su’aalo lagu weydiiyay Taliyaha Ciidanka ilaalada wadooyinka degmada Kismaayo Dhamme Cabdi-shakuur Sheekh Dhayib iyo Masuuliyiinta Shirkadaha diyaaradaha, Korontada, iyo Biyaha kuwaas oo la weydiiyay caqabahadaha shirkadahooda ay bulshada kala kumaan iyo fududeynta u khidmeynta bulshada waxa uga qorsheysan.
Kulankan isla xisaabtanka iyo kala warqaadashada isugu jiray ayaa ahaa mid la isku dhaafsaday fikrado badan oo mudnaan siinaya wadashaqaynta bulshada, Hay’adaha Dowladda iyo Shirkadaha bixiyada adeegyada aasaasiga u ah nolosha.