Wasiirka wasaarada cadaalada iyo arimaha dastuurka Jubbaland oo kormeerey dhismaha xabsiga wayn ee Jubbaland

102

Wasiirka wasaarada cadaalada iyo arimaha dastuurka Jubbaland oo uu wahelinayo Wasiirka wasaarada amniga gudaha dowlada Jubbaland iyo madaxda shirkada dhiseeso xabsiga UNA OPS ayaa kormeeray dhismaha xabsiga weyn ee magaalada kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.

Kormeerka xabsiga ayaa waxa qeyb ka ahaa Wasiirka wasaarada cadaalada iyo arimaha dastuurka mudane Cabdiwali xuseen Jaamac iyo Wasiirka wasaarada amniga gudaha dowlada jubbaland mudane Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal agaasimayaasha cadaalada iyo garsoorka Qaar ka mid ah ururada bulshada madaxda shirkada dhiseeso xabsiga

Ugu horeyn Wasiirka wasaarada cadaalada iyo arimaha dastuurka dowlada Jubbaland mudane Cabdiwali Xuseen Jaamac oo ugu horeyntii hadlay ayaa u mahad celiyay shirkada dhiseeso xabsiga asaga oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin dhameestirka xabsiga

Mudane Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal Wasiirka wasaarada amniga gudaha dowlada Jubbaland ayaa dhankiisa  sheegay in xabsiga uu yahay mid baahi weyn waqtigan loo qabo asaga oo sheegay in uu dhaxalgal u noqon doono xabsiga bulshada reer Jubbaland una mahad celiyay shirkada dhiseeso xabsiga.