
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Cabdullaahi Cabdulqaadir Aadan Qaanuuni, oo wehelinayo Agaasimaha guud ee Garsoorka Jubaland Mudane Cabdi Cabdullaahi Raabi, ayaa maanta usoo xiray qaar kamid ah saraakiisha Ciidanka Asluubta Jubaland tababar ku saabsanaa habka aqbalaadda, sii-deynta, iyo la macaamilka cabashooyinka maxaabiista. Tababarkan ayaa socday muddo saddex maalmood ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa bogaadiyay saraakiisha ciidanka Asluubta ee fursadda u helay tababarkan iyo sida fiican ay uga faa’iideysteen, isla markaana ay tahay inay dhaqangeliyaan wixii ay barteen, isaga oo xusay in ay jiri doonaan tababaro kale oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfadda ciidanka Asluubta Jubbaland.




