
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Mudane Sulub Axmed Firin inuu noqdo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS.
Magacaabistan ayaa timid si loo dar-dar gelinayo isbeddelada lagama maarmaanka u ah horumarinta hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa muhiimka u ah kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta waaxda duulista iyo gaadiidka dalka.