Maamulka Degmada Doolow oo kulan la qatay Lataliyaha Safiirka Midowga Yurub

147
Maamulka Degmada Doolow oo kulan la qatay Lataliyaha Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo Madaxa ugu sareeya Hay’adda Trocaire ee aduunka.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta horumarinta kaabayaasha dhaqaallaha, mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub iyo kordhinta tageerida Hay’addaha Samafalka ee ka howlgala degmada Doolow.
Sido kale Maamulka Doolow ayaa u mahadceliyay Madaxda Hay’addaha Trocaire oo door muhiim ah ka qatay Caafimadka degmada iyo deegaanada hoosyimida gacantana ku haya isbitaalka weyn ee Doolow.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Gudoomiye kuxigeenka koowaad, Madaxa arrimaha Bulshada, Madaxa Mashariicda iyo xariirka Hay’ddaha Doolow iyo isuduwaha wasaaradda dhalinyaradda jubbaland ee Doolow.
All reactions:

16