Wasaaradda Qorsheynta, Dowladda Jubbaland oo magaalada Kismaayo ku qabatay kulanka daah-furka Mashruuca horumarinta ganacsatada Jubbaland ee EPIS.

103
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay kulanka daah-furka Mashruuca horumarinta ganacsatada Jubbaland ee EPIS.
Daah-furka mashruucan ayaa waxaa kaso qeybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga ah, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Jubbaland iyo marti sharaf kale.
Mashruuca horumarinta ganacsatada Jubbaland ee EPIS ayaa ah mashruuc ay ka faa’ideysan doonaan ganacsatada yar-yar ee lagama maarmaanka ay tahay in ay helaan wax ay ku kobciyaan ganacsigooda si ay u noqdaan kuwo sii balaariya howlahooda ganacsi.