Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowladda Jubaland shir gudoomiyay kulan gaar ah oo lagaga hadlayay arrimaha amniga deegaanada Jubaland

144
Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen golaha wasiirada oo lagaga hadlayay arrimaha amniga deegaanada Jubaland.
Kulanka ayaa diirada lagu saarayay tageerada Ciidamada Jubaland iyo dardar galinta howlgalada ay ciidamadu ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland.