Dhageyso:Hooyooyin hilib karinta ka maareeya nolasha qoyskooda.

124

Hooyooyin ku nool Kismaayo ayaa la yimid hal abuur shaqo oo ay ka maareeyaan nolasha qoyskooda iyaga oo samaystey xarun lagu magacaabo xarunta iskashatoyinka horyaal oo ah gob lagu sameyo hilibka oodkaca ah, goobtan waxa  iska kashadey qar kamida Haweeynka magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose.

Haweenkani oo ka kooban 4 dumar ah  ayaa iska kaashaday hirgalinta iyo iibinta hilibka geela kaasoo  loo yaqaano   odkaca.

Xarunta waa  mid ku cusub deegaanka taas oo keentay in ay  Dumarkani  howshaan  ay bilawaan ayna ku maareyan noloshooda.

Sukeeno yuusuf maxamed:
Waa hooyo heysata ilmo agoon ah
waxayna ilmaha ku korisaa shaqadan hilib karinta ah, doorka shaqadan ay ka qabato ayaa ah  qeybta hilib shiilitanka ,  waxa ayna howshaan ku jirtaa afar sano sida ay sheegtay.

Cadro ibraahim qaliif oo ah hal abuuraha fikradan oo aan kula kulmay goobteeda ganacsiga ayaa ka warbixisay Waxa ku dhaliyay iyo sida  ay kusoo bilaabeen howshan ku cusub magaalada kismayo.