Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo maanta ufariisatay dhagaysiga kiis dil ah

174
Maxkamdda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada culus ee dowladda Jubbaland ayaa maanta u fariisatay dhageesiga dacwad kiis dil ah oo bareer oo loo heesto Cismaan Cabdi Muumin oo ka tirsan Ciidamada daraawiishta Jubbaland oo u geestay marxuum Axmad Nuur Maxamad oo ah wiil 13 jir ah oo lagu dilay degaanka Istanbul 16 .4. 2024-kii.
Cismaan Cabdi Muumin oo ah eedeysanaha dilka bareerka ah lagu soo eedeeyay ayaa ugu horayn ay Maxkamadda hadal siisay isaga oo sheegey inuu dood ka qabo kiiska lagu soo oogey.
Cali Cabdullaahi Mubaarak oo ah qareenka eedaysanaha ayaa Maxkamadda horteeda ka difaacay eedeysanaha.
Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa Maxkamadda ka hor akhriyay eedda loo haysto eedeysanaha maanta Maxkamadda la horkeenay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa ugu danbeyntii maxkamada soo xiray waxa uuna sheegay in mar kale Maxkamadda ay fadhi ka yeelan doonto kiiskan.