Wasiirka Caafimaadka oo Dalbatay in Xayiraad La Saaro Dalka oo Dhan

916

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Fawsiyo Abiikar ayaa Sheegtay  si loo xakameeyo faafitaan cudurka Covid 19 in ay tahay in xayiraad lagu soo rogo guud ahaan dalka.

Fawsiyo oo in muddo ah ka shaqaysay arrimaha ayaa goordhow waxaa ay barteeda Twitterka ku qortay sidan hoos ku qoran

Wasiir Fowsiya ayaa dhowr jeer ugu baaqday Shacabka inay ka feejignaadaana faafitanka cudurka, isla markaana Bulshada ay qaataan taalooyinka caafimaad ee loo soo gudbinayo.

Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa aad u sii kordhayay kiisaska cudurka coronavirus, waxaana  Muqdisho iyo gobolada ugu geeriyooday dad badan, iyada oo kiisaska ilaa iyo hadda Wasaaradda Caafimadka ay shaacisay in la diiwaangeliyay ay gaarayaan ilaa 7,257 Ruux.