Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa hambalyeeyay ardayda ku baastay imtixaanka dugsigayada sare ee dalka

156

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa Hambalyo u dirayaa dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ee guulaha ka gaaray Imtaxaanka fasalka 12-aad ee Dugsiga sare.

Madaxweyne Maxamuud Siyid Aadan ayaa si gaar ah ugu hambalyaynayaa Ardayda Rer Jubaland iyo dhammaan waalidiinta ubadkooda ku garab taagan sidii ay natiijooyin wax ku ool ah uga gaari lahayeen waxbarashada.

“Waxaa kale uu mahad celinayaa Wasaaradda Waxbarashada Jubaland, maamulka iyo Macalimiinta iskuulada kala duwan ee deegaanada Dowlada Jubaland.” ayaa lagu yiri qoraal lagu faafiyay Barta Facebook ee Madaxweyne ku-xigeenka.