Dhageyso:Maamul KMG ah ee SSC-Khaatumo oo magaalada Laasocaanood ka mamnuucay in Hubka lagu dhexqaato.

156

War saxaafadeed kasoo baxay maamul KMG ah ee SSC-KHAATUMO ayaa waxaa magaalada Laasocaanood lagaga mamnuucay in hubka lagu dhexqaato taasi oo ay ku sheegeen inay kaga hor tagayaan wax dhaawici kara ammaanka iyo bad qabka shacabka.

Shir gaara ah oo isagu yimaadeen maanta gudiga ammaanka ee maamulka KMG ah SSC-KHAATUMO ayaa lagu go’aan miyay arinkan iyaga sheegay in wixii maanta laga bilaabo aanan la aqbali doonin in cidi hub ku dhex wadato gudaha Laascaanood sida uu warbaahinta usheegay afhayeenka maamulka KMG ah ee SSC-KHAATUMO wuxuuna gudiga sheegay in looga gonleeyahay ilaalinta ammaanka iyo bad qabka shacabka reer SSC.

Gudiga ayaa sheegay in cidii u hogaan sami wayda amarkan laga qaadi doono talaabo waafaqsan sharciga uyaala iyaga oo markaa talis-yada kala duwan ugu baaqey inay ciidamadu wax hub ah lasoo gali doonin gudaha magaalada Laascaanood iyo goobaha kale oo ay bulshadu dagan tahay iyadoo aysan jirin wax howlgal ah.

Ugu danbayna waxaa uu gudiga ammaanka maamulka KMG SSC-KHAATUMO uu farey dhammaan talisyada maamulkaasi ee ciidmaada xukuma in amarkan ay fuliyaan.