Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayay oo isugu jira Wasiiro iyo Saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray deegaanka Janaa Cabdalle iyo deegaanada kale ee hoos yimaada deegaanka.
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda mudane Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa deegaanadaasi u tagay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha nololeed ee dadka deegaanka, waxa ay sidoo kale tageen xarumaha Ciidamada geesiyaasha ee Jubbaland gaar ahaan Ciidanka Daraawiishta Guutada labaad oo deegaankaasi kuleh fariisin wayn.
Madaxweyne kuxigeenka labaad ayaa kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka iyo Saraakiisha ciidamada oo uu kala hadlay xoojinta amniga iyo sidii loo sii wadi lahaa dagaalada lagu xoreenayo deegaanada maqan.